LocalNews

Xildhibaanada Aqalka sare oo kulmaya

Mogadishu

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaanan la ogeyn ajandaha ama waxyaabaha ay kaga hadlayaan xildhibaanada aqalka sare kulankooda maanta oo ka mid ah kulamada ay ku yeeshaan xaruntooda.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka maanta uu la xiriiro go’aankii shalay ay qaateen xildhibaanada golaha shacabka oo ku aadanaa xeerka Shirkadda DP world u diidaya inay kasii shaqeyso Somalia.

Masuuliyiin ka tirsan xogheynta aqalka sare oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan ajandaha shirka maanta ka dhacaya xaruntooda oo ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: