Technology

Wiil Soomaali ah oo ku Gulestay Samaynta Aalaada Solarka

Axmad Cumar Sahal oo ku magac dheer Axmad Dable waa 32 jir ku dhashay, kuna nool Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud Soomaaliya.

Farsamayaqaan Axmed waxa uu sameeyey Soolar ku shaqeeya qoraxda, isagoona bishan Maarso ee sanadkan 2018 ku guuleystay in uu ka shaqeysiiyo soolarkii ugu horeeyey ee uu gacantiisa  ku sameeyo.

Soolarka ayaa laga hirgaliyay mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Cadaado oo horey u ahaan jirtay xaafad mugdi ah , waxaana u hirgalay tijaabadii koobaad.

wiilkaan soomaaliyeed Axmad Dable oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in sameynta Soolarkan ay ku gacdan lacag dhan 300, oo doolar, isla markaana u jiri karo ilaa muddo seddex sano ah.

Farsamayaqaan Axmed waxa uu hada ku howlan yahay in uu sameeyo aalado wale oo qaarkood uu bilaabay tijaabadooda, waana farsamayaqaankii ugu horeeyay ee soomaali ah oo isku daya kuna guuleystay samaynta Soolarka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: