AuthorsLocalNews

Wasiir Xosh oo shegay xiliga ladhisayo Maxkamada Dasturiga ah iyo Dhamaystirka Dastuurka ee dhanka Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo waraysi gaar ah siiyay Somalicable TV ayaa waxa uu sheegay in ay sanadkaan guduhiisa dhisayaan maxkamadii Dastuuriga aheed si loo dhameeyo qilaafka iyo is qab qabsiga ku salaysan arimaha dastuurka.

“Maxkamada Dastuuriga ah waxay lamid tahay garsooraha dhexdhexaadiya ciyaaraha ee marka dambe go,aanka ugu dambeeya ka gaara ciyaarta sidaa darteed sanadkaan guduhiisa ayaan ku tala jirnaa in aan dhisno Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka” ayuu yiri wasiir Xoosh.

Wasiirka ayaa ka jawaabay su,aal ahayd sida a u shaqayn doonto Maxkamada Dastuuriga ah mar hadii uu qabyo yahay Dastuurkii dhamaa, ayaa ku jawaabay waxaan ku dadaalaynaa iyo sanadkaan gudihiisa aan soo gaba gabayno arimaha Dastuurka.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay Maqnaanshiyaha talada dadka Soomaaliland ee Dastuurka ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo gudbo ka talagalinta aanan  afti looqaadi doonin Dastuurka Maadaama aysan qayb ka aheen dadka codaynayo, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu qabyo sii ahaan doono Dastuurka Soomaaliya inta ay ka ogolaanayaan Dhamaan umadda Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: