LocalNews

Wadahadal u bilowday Somalia & Imaaraat

Mogadishu

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wadahadal uu u socdo dowladda iyo Imaaraatka carabta oo xiriirkooda uu xumaaday waxii ka dambeeyay markii lacag ka socotay Imaaraatka lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA ayaa sheegay in aysan jirin cid dhexdhexaadineyso Soomaaliya iyo Imaaraatka carabta, balse uu wadahadal u socdo labada dhinac.

Kulamada wada hadalka ah ee u dhaxeeya labada wadan ayaa waxaa yeelanaya Madaxda ugu sareysa ee Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, oo ka xaajoonaya sidii Caleemo qoyan loo saari lahaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu sareeyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Damaam ee dalka Sacuudiga, halkaasi uu ka dhacay shirka Jaamacadda Carabta.

Waxaana la filayaa in halkaasi kulamo gaar gaar ah ku yeeshaan hogaanka sare ee Soomaaliya iyo Imaaraatka carabta, maadaama ay kulankaasi ka qeyb galayaan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: