LocalNews

Somali lagu xiray dalka Masar

Mogadishu

Wararka naga soo gaaraya dalka Masar ayaa sheegaya in dalkaasi lagu xiray dhalinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay in laga soo qabqabtay xaafada Nasri City ee magaalada Qaahira.

Xaafadaasi oo Soomaali badan degen tahay ayaa waxaa laga soo qabtay 17 dhalinyaro Soomaali ah oo la sheegay in la dhigay xabsi ku yaala magaalada Qaahira.

Qaar kamid ah dadka jaaliyadda Soomaaliyeed kamid ah ayaa xaqiijiyay in dhalinyaradaasi laga soo qabtay maqaayad ku taala xaafadda, waxaana badankood la weydiiyay sharciga ay ku joogaan dalka Masar.

“Walaal Soomaalida la qab qabtay tiradooda waa 17 waxay isugu jiraan Arday iyo Qaxooti, Ciidamada geesaha ayay ka soo galeen, kadib waxay wateen dadkii, ilaa hadda magaraneyno sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigooda.” Ayuu yiri Maxamed Cabaas oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi.

Sanadkii tagay 2017 dalka Masar waxaa lagu xir xiray Soomaali Boqolaal gaareysa, xilliyo kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray Arday, Qaxooti iyo dad kale oo caadi ah, waxaana Soomaaliya loo soo tarxiilay dadkii sida caadiga ahaa u joogay dalkaasi.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: