LocalNews

Shir ku saabsan Kheyraaadka dalka oo Kenya ka dhacay

Mogadishu

C/raxmaan Maxamed Cali Xaash, Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay ka faa’ideysiga Kheyraadka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ujeedka ayaa ahaa in lagu falanqeeyo sida looga faa’iideysan karo Kheyraadka Badda Soomaaliya, iyo raadinta Maalgashadayaal caalami ah.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa sheegay in heshiiskii Xukuumadda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada lagu saleyn doono ka faaiideysiga Kheyraadka Badda.

Waxa uu bogaadiyay in la helo Shirkado buuxiya shuruucda dalka, si labada dhinac ay faaiidooyin ugu helaan Dakhliga kasoo baxa Kheyraadka.

Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo lagu daray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyay in lacagaha kasoo baxo Bixinta Ruqsadaha Shirkadaha loo siinayo Kalluumeysiga Badda.

Dakhliga kasoo baxa lagu rido Qasnadda Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si loogu sameeyo ama loogu qabto adeegsiyada Bulshada sida dhismaha Wadooyinka iyo hirgelinta Mashaariic.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: