LocalNews

Sawirro: Doorashadii ka dhacday Dhuusomareeb

Mogadishu

Waxaa magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud kusoo idlaaday doorashada xubin ka dhineyd kuraasta baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka geeriyooday xildhibaan Bootaan Ciise Caalim.

Masuuliyiin ka tirsan guddiga madaxa banaan ee doorashada iyo xubnaha ugu sareeyo maamulka Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa doorashada maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb.

Cabdullaahi Faarax Weheliye  ayaa helay Codad gaaraya 28-cod, halka Maxamed Cilmi Afrax uu helay 17-cod, waxaana guddigu ay sheegeen in Musharax Cabdulle Faarax Xirsi uu helay 3-cod, iyadoo Sadex cod oo kalena ay halaabeen, sidaasina waxaa Kursiga loo tartamayey ee Golaha Shacabka ku guuleystay Cabdullaahi Faarax Weheliye.

 Sawiradda ayaa muujinaya sida wanaagsan ee ay kusoo idlaatay doorashada ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: