LocalNews

Sanator Cabdi Qaybdiid”Gudi haloo saaro weerarkii gurigeyga”

Gudoomiyaha gudiga isku dhafka ah ee Dastuurka Sanator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo maanta ka hadlay aqalka sare ayaa waxa uu ka codsaday labada aqal ee baarlamaanka in ay gudi isku dhaf ah u xilsaaraan weerarkii lagu qaaday gurigiisa.

Sanator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid waxa uu sheegay in uusan ku qanacsaneen gudigii loosaaray weerarkii lagu qaaday gurigiisa, waxa uuna sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qalad ah.

hadalkaan ayaa waxa uu maanta ka jeediyay Kalfadhiga Xildhibaanada aqalka sare, waxaana wajigiisa ka muuqanayay caro ku aadan weerarkaasi lagu qaaday gurigiisa.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa ilaa hada sicad uga jawaabin cida ka dambeysay weerarkaasi oo lasheegay in ay qaadeen ciidanka Dowladda gaarahaan kuwa ay tababareen Imaaraadka Carabta.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: