LocalNews

QM oo taageereysa Koofur Galbeed

Biadoa

Ku simaha madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Ahna wasiirka Amniga Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ku qaabilay wafdi ka socday  Qaramada Midoobay oo gaaray magaalada Baydhabo.

Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe Maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhanka Ciidamada iyo Arrimaha ammaanka.

Bengt Gronlund ayaa horkacayay saraakiishan, waxayna Kusimaha Madaxweynaha ay is dhaafsadeen tallooyin ku aadan suggida nabadgelyada iyo weliba dhismaha Ciidamada Koonfur Galbeed.

Saraakiishan oo dhameystay muddo xiloodkoodii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayuu Wasiir Xasan (Eelaay) guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo hadiyad uu ugu talagalay, iyagoona kaga mahadceliyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: