Sports

Peter Cech oo laba rikoor sameeyay kulankii Arsenal & Watford.

Peter Cech shabaq ilaaliyaha kooxda Arsenal waa mid kamid ah gool hayeyaasha ugu wanaagsan qarnigan inkastoo uu galay qaladaad qaar hadana waxa uu muujiyay waxqabadkiisa kulankiisii 200-aad oo uu shabaqiisa gool ka ilaashaday Sabtidii.

Guushii ay Europe League ka gaareen kooxda Ac Milan ciyaar ku dhamaatay 2:0 waxa ay kaga dhigneed inay kusoo laabtaan wadada guusha.

Guushii 3:0 ay ka gaareen kooxda Watford micno badan kama sameyn horyaalka Ingiriiska iyo kala sareynta boosaska ee kooxaha , balse waxa uu taariikh uyahay gool hayaha reer Cech.

Peter ayaa bad-baadiyay gool ku laad kulankii ay ka adkaadeen Watford waxaana ay ka dhigan tahay inuu rigoore bad-baadiyay markii ugu horeysay tan iyo February 2011-kii kulan ay Chelsea wajaheysay kooxda Fulham.

Sidoo kale Cech ayaa noqday gool hayihii ugu ee Taariiqda Premier League kaasi oo 200 oo kulan shabaqiisa ka ilaashada gool.

Peter ayaa 162 kamid ah kulamadaas waxa uu usaftay kooxdiisii hore ee Chelsea halka 38 kulan kalena ay yihiin kulamada uu uciyaaray kooxdiisa iminka ee Arsenal.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: