LocalNewsWorld

Nicolas Sarkozy oo loo haysto lacago uu ka helay Qaddafi

Madaxweynihii hore ee dalka faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa la sheegay in hatan lagu hayo Saldhig Bolis si wax logu waydiyo eedeymo ah inuu ka qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Libiya Mucamar Al-qadafi Lacagtaasi oo la sheegay inay aheyd mid sharci darro ah uuna ku galay doorasho.

Sarkozy ayaa la sheegay  in lacagtaasi uu ka qaatay Qadaafi oo ilaa hadda cadadeeda la carabaabin waxa uu ka galay doorashadii Madaxtinimada dalkaasi ka dhacday sanadkii 2007 una ku guulaystay tartanka doorashadaasi.

Madaxweynihii hore ee dalka faransiiska Nicolas Sarkozy oo 63 jir ah ayaa beeniyay Edaymahaasi lagu soo oogay, wuuuna sheegay inuusan wax lug ah ku laheyn qadiyadaasi, wuuuna intaa raaciyay in dadka ay eedaymahaasi u soo jeedinayaan ay yihiin Liibiyiin doonaya inay ka aargoostaan go’aan uu hore uga soo saaray Diyaarado dagaal faransiisku leeyahay oo ka qeyb qaatay taageerada Qadafi siiba kacoonkii xukunka loogu riday Sanadkii 2011.

Booliska ayaa hore su’alo u weydiyay Alexander Dijouhri  oo kaaliye u ahaa Nicolas Sarkozy ,wuxuuna Sarkozy siyaasadda ka fariistay kadib markii uu ku guuldarestay Doorashadii Madaxtinimo ee dalka Faransiiska ka dhacday Sanadkii 2012kii, iyadoo doorashadaasi uu ku guulaysdtay Francois Hollande.

Sidoo kale dowladda faransiiska ayaa dacwad ku furtay sarkozy sanadkii 2013kii,  taasoo iyana ku saabsaneyd in malaayiin Doollar oo Yurow ah uga qeyb qaatay Oloolihiisa Doorashada lacagtaasi oo la sheegay inay aheyd mid sharci darro ah oo ka helay Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Qadafi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mid ka mid ah wasiirradii hore ee Mr Sarkozy oo lagu magacaabo Brice Hortefeux ay booliska su’aalo weeydiiyeen maalintii talaadada ahayd.

Eedeymahaan ku saabsan lacagaha uu Qaddafi bixiyay ayaa asalkooda ka yimid Ziad Takieddine oo ah Faransiis asalkiisu yahay Lubnaan iyo saraakiishii hore ee Qaddafi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: