Sports

Natiijada Kulankii Chelsea & Huddersfield oo saameyn ku yeeshay Saddex koox.

Kooxaha Kubadda Cagta ee Chelsea iyo Huddersfield Town ayaa waxaa dhexmaray kulan labada kooxoodba muhiim u ahaa waxaase ay ku kala tageen natiijo ay dhibcaha qeybsadeen.

Natiijadaas waxaa ay guul uga dhigneyd Huddersfield laakiin waxaa ay guul daro iyo niyad jab u ahayd Chelsea maadaama aysan sanadka dambe ka qeybgaleyn tartanka Champions League ee Qaarada Europe.

Kooxda Huddersfield Town waxa ay u baahneyd bar barahaas oo kaliya si ay u xaqiijiso in xagaaga dambe ay ka sii ciyaarto Premier League waana ay u suuragashay.

Badbaadada Huddersfield Town waxaa ay sidoo kale naxdin u ahayd Swansea City oo iyana u laabatay heerka Laaad sidaas ayeyna xalay Huddersfield Town ku guuleysatay , Chelsea ku fashilantay , Swanseana ku hartay.

Tottenham ayaa dhankeeda guul dirqi ah ka gaartay kooxda Newcastle ciyaar xiiso badneyd waxaana goolka kaliya ee ay ku badisay Spurs u dhaliyay weeraryahankooda Harry Kane.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: