Sports

Messi oo shaaciyay dhalashada canugiisa Saddexaad.

Weerar yahanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayaa shaaciyay dhalashada canugiisa Saddexaad.

30 sano jirkaan ayaa ka maqnaa shaxdii kooxda Blaugrana ee xalay ka adkaaday kooxda Malaga kulan ka tirsanaa kulamada 28-aad ee horyaalka La liga.

Xidiga Argentina ayaa sababta uu kaga maqnaa shaxda Barcelona kulankaa waxaa lagu sheegay inay tahay arrin shaqsi oo u gaar ah xidiga.

Bishii October 2017 Messi ayaa shaaciyay in xaaskiisa Antonella ay uur leedahay , waxaana uu sheegay in sababta uu kaga maqnaa kooxdii wajahday Malaga ay tahay arrimo la xiriira qoyskiisa.

Sabtidii xidigan ayaa qabsaday barta Instagram-ka halkaas oo uu dunida ugu soo bandhigay wiilkiisa ku cusub caalamka ee Ciro.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: