Sports

Man City oo sagootisay Yaya Toure , rikoor cusubna dhigtay.

Kooxda Kubada Cagta ee Man City ayaa dhigtay rikoor dhinaca gool dhalinta ah kadib markii ay xalay dhaliyeen goolkii 105-aad ee xilli ciyaareedkan.

Manchester City  waxaa ay 3-1 uga badisay Kooxda Brighton & Holve Ablion waxaana goolasha u kala dhaliyay  Danilo , Bernardo Silva  iyo Fernandinho.

Waxaa kale oo ay dhibco ahaan gaartay 97 dhibcood iyo 31 kulan oo hal xilli ciyaareed ay guuleysatay ama aan laga badin rikoorka dambe waxaa horay 30 kulan u gaarsiisay Chelsea sanadkii hore laakiin City ayaa rikoorkaas barbaeysay mid kalena dhigtay.

Waxaa ay sagootin cajiib ah u sameeyeen xidiga Yaya Toure oo xalay la sagootiyay maadaama xidiggan uu isaga tagayo kooxda isaga oo la qaaday tartanka horyaalka England Premier League.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: