Sports

Leicester oo guul darro ku sagootisay Wenger kulankii ugu dambeeyay ee ay wajaheen.

Kooxda kubada Cagta ee  Arsenal ayaa dhigtay rikoorkii ugu liitay intii uu maamulayay Tababare Arsen Wenger kadib markii 7 kulan uu isku xigta oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan Garoonkeeda aanay xitaa bar baro ka helin.

Ciyaartii xalay dhexmartay Arsenal iyo Leicester City ee ka dhacday garoonka Leicester ee King Power waxaa guul gaartay kooxda Leicester oo 3:1 kaga adkaatay Arsenal.

3-1 ayaa looga badiyay Arsenal waxaana shabaqa gaaray xidigaha kala ah Jamie Vardy, Riyad Mahrez iyo xidigga reer Nigeria ee Kelechi Iheanacho.

Arsenal goolka agoonka ah waxaa u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang oo ciyaarta ka dhigay 1-1 laakiin waxaa Arsenal kaarka cas ka qaatay xidiga lagu magacaabo Konstantinos Mavropanos.

20 jeer oo ay Premier League ku kulmeen Wenger iyo Leicester lagama badin tababaraha Reer France waxaana ay ku dhacday xalay oo kaliya waliba isaga oo ka tagaya kooxda xilli ciyaareedkan dhamaadka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: