Sports

Kooxaha Manchester oo wada doonaya saxiixa Neymar.

Kooxaha kawada dhisan magaalada Manchester ayaa wada doonaya saxiixa xidiga reer Brazil iyo kooxda PSG Neymar Jr sida ay ku warameyso majalada Diario Gol.

Xidiga reer Brazil ayaa la fahamsan yahay inuusan ku faraxsaneen kasii mid ahaan shaha kooxda ku ciyaarta Parc De Princes.

Neymar niyadjabkiisa ku aadan sida uusan ula dhacsaneen hanaanka PSG ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo kaliya hal xilli ciyaareed uu ka tirsan yahay kooxda ka dhisan caasimadda France.

Xidigan ayaa la hadal hayaa inuu ku biiri karo kooxda Real Madrid , balse kama marna xiisaha kooxaha Premier League gaar ahaana kuwa magaalada Manchester.

Kooxda Manchester City ayaana ah mid si aad ah udooneysa xidigan , iyadoo sidoo kale ay jiraan warar sheegaya suurto gal nimada in xidiga uu mar kale dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Barcelona.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: