BusinessLocalNews

Khalin Gadan Cadaalad Maqori Kara[Qormo Xiisaleh]

Wariye Qarash laga Sugayo qabar sax ah makeenaa?

Ahmiyada Saxaafada waa mid balaaran waxaana marwaliba Saxaafada looga baahan yahay in ay ku Sifoowdo Cadaalad Sinaan Dhex Dhexaad nimo Run Sheegid iyo in aysan dhinac u Sacaba tumin.

Lakiin waxa ay balo ka jirtaa marka Saxafiga Xarunta uu ka howlgalayo laga sameeyo Xafiis warka lacag looga doonayo halkii laga furi lahaa xafiis xogta raadinteeda lacag ku bixiya.

Waxaa inta badan dhagaha Shacabka ku batay waxa loogu yeero Maarkeetin oo aan u naqiinay xafiis qabta Arimaha Suuq Genta sida iidhehyada ogegsiiska iyo waxii la mid ah balse  hada lamarin hababiyay oo warbaahinta qaar xitaa wararkii lacag uga doonayaan.

Waxaa hada Dhacda in wariyaha lagu yiraah orod oo warka iyo lacagta kasoo qaad adna gaari raac kasoo qaado Masuul hebel taasi oo keentay in wariyuhu warkaas u sameeyo si aan cadaalad aheyn oo ka bad badis ah ileen lacag ayuu cunee lamana tafatiri karo ilee maamulkaa laaluush qaatee.

Soomaalidu waxa ay Tiraahdaa af wax Cunay Xishoo Waana tan hada haysata Warbaahinta Madaxa banaan Qaarkeed in aan maqalno war aqriye ama war qore leh Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay kuna soo gaba gaboowday jawi macaan waxaa keenay kumiyaadka yar ee uu la qaybsaday war baahintiisa.

Waxaa Maalin goob joog u ahaa wariye ka mid Suxufiyiin Dhoor ah oo booqday Xarun dad barakacayaal ah in uu yiri warkaan aniga waxaa laygaga rabaa lacag maamulkii ulama noqon karo oo horjoogihii kaamka ku yiri ii soo laabo dadka kaamka ayaan toban tobankun kaaga aruurinaa.

Qalinka Saxafiga waa wax kale lakiin hada waxaad moodaa in ay adeegsadaan inta Jeebka buuran waana cadaalad daro marwalibana Qalin Gadan Cadaalad Maqori karo.

Wariye Sharuur Qabaxloow inta Qalinkaagu gadan yahay Walee adna Horuumar masamaysid.

W/Q Wariye Cabdi Casiis Cabdullahi Maxamed Really

ccreally2014@gmail.com

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: