Sports

Juventus oo rikoor cusub ka dhigtay hanashada Coppa Italia.

Kooxda Kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa markii Afaraad oo xiriir ah xalay hanatay Koobka lagu magacaabo Coppa Italia kadib markii ay garaacday dhigooda AC Milan.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4-0 taas oo ka dhigtay in AC Milan si fiican loogu sheegay in laga awood badan yahay waxaana sidaas ku dabaal degtay Kooxda Kubada Cagta ee Juventus markii Afaraad si xiriir ah.

Juve waxaa ay sidoo kale isu diyaarineysaa u dabaaldegida Koobka Horyaalka Serie A-da iyada oo kaliya hal dhibic u jirta ku guuleysigiisa.

Milan tababarahooda ayey niyad jab u ahayd guul daradii xalay waxaana uu doonayay in kooxda uu la qaado koobkiisii ugu horeeyay hayeeshee uma aysan suurto galin.

Mehdi Benatia ayaa laba gool ka dhaliyay ciyaartii ka dhacday Garoonka Stadio Olimpico waxaa sidoo kale shabaqa Milan taabtay D.Costa oo ka faa’ideystay qalad uu galay gool haye Gianluigi Donnarumma halka goolka Afaraad uu ahaa mid uu iska dhaliyay Nikola Kalinic.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: