LocalNews

Gaas oo ka hadlay Go’aankooda Imaaraatka

Boosaaso

Madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar soo baxayay oo ku aadan inPuntland go’aan ka qaadatay joogitaanka Imaaraatka carabta.

Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in Imaaraatka ka fulisay howlo badan deegaanada Puntland, islamarkaana aysan jirin cid u badali karta Imaaraatka carabta.

Wuxuu sidoo kale  sheegay inay xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Imaaraatka carabta iyo maamulka Puntland ayna dalbadeen in la kordhiyaa tababarka ay ka sameynayaan deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa beeniyay in Garoonka Boosaaso ay ka baxeen tababarayeyaal u dhashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Gaas ayaa sidoo kale Caddeeyay in Puntland ay sii wadi doonto wada shaqeynta dowladda Imaaraadka Carabta.

Waxaa uu sheegay in Warar been  Abuur ah lagu faafiyay Baraha Bulshadda kasoo ahaa in uu xumaaday Xiriirkii Puntland iyo Imaaraadka Carabta.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: