LocalNews

Farmaajo “Balanqaadyada Somalia fuliya”

Mogadishu

Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa shirkoodii xalay kusoo gabo gabeeyay magaalada Damaam ee dalka Sacuudiga, waxaana shirkaasi ka maqnaa madaxda lix dal oo uu ku jiro amiirka dalka Qatar.

Warmurtiyadeed ayaa laga soo saaray kulankaasi kusoo idlaaday magaalada Damaam, kaasi oo looga hadlayay arimaha dalalka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo oo kulankaasi ka hadlay ayaa soo hadal qaaday xaaladaha amniga ee dalka Soomaaliya iyo horumarkii u dambeeyay ee la gaaray.

Dalalka Carabta ayaa waxaa uu ka dalbaday inay fuliyaan dhamaan balanqaadyadii ay u sameeyeen dalka Soomaaliya, maadaama shirar hore oo badan Soomaaliya balanqaadyo loogu sameeyay.

“Taageerada Dowladaha Carabta ee dib u dhiska Hay’adaha Soomaaliya waxay ahaanayaan mid joogto ah, si Soomaalida ay uga guuleystaan caqabadaha dhaqaalaha oo ay la daalaadhacayaan.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay horumarka Soomaaliya ay ku talaabsatay, wuxuuna Caalamka weydiistay in la fuliyo taageerada shirarka Jaamacadda Carabta loogu balan qaaday Soomaaliya.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: