Sports

Falanqeynta kulanka Stoke City Vs Manchester City.

Manchester City oo hogaamineysa horyaalka Premier League ayaa usafreysa Stoke City caawa oo isniin ah, waxaana ay raadineysaa guul si ay ugu dhawaato hanashada horyaalka.

Hogaamiyayaasha runta ah ayaa u baahan guulo labada kulan ee soo socota, oo ay ku wajahayaan Stoke iyo Everton, ka hor inta aan la aadin fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

XOGTA KULANKA :-

STOKE CITY V MANCHESTER CITY.

GAROONKA: Bet365 Stadium.

SAACADA: 11:00 PM.

WARARKA CUSUB :-

Stoke ayaa la filayaa inay ka maqnaado Mame Biram Diouf ka dib markii xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal uu ku dhawaacmay kulankii Southampton, sidaasi darteed Peter Crouch ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo kulankiisii ​​10aad ee horyaalka xili ciyaareedkaan.

Kevin Wimmer iyo Saido Berahino ayaa labadoodaba arimo shakhsiyadeed ku seegaya ciyaarta caawa kooxdoodu soo dhaweyn doonto Manchester City.

Goolhaye Lee Grant iyo ciyaaryahankii hore ee Citizens Stephen Ireland ayaa weli dhaawac ah, inkastoo Ryan Shawcross uu dib ugu soo laaban doono kulankaan.

Ciyaartoyda martida ah waxaa ka maqan Sergio Aguero , waxaana la filayaa inuu dib ugu soo laabto shaxda koowaad Gabriel Jesus oo kasoo laabtay dhaawac.

Aguero ayaa siddeed gool dhaliyay sideedii kulan ee ugu dambeysay ee uu wajahay kooxda Stoke City waana mid kamid ah kooxaha uu ugu jecel yahay inuu wajaho.

Dhanka kale, Fernandinho iyo Raheem Sterling ayaa laga yaabaa inuu soo laabto ka dib markii ay kasoo kabsadeen dhaawacyo ay la maqnaayeen.

XAQIIQADA KULANKA.

Man City ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen garoonka Bet365 Stadium, labadaba min 4-1 ayay kaga badiyeen.

Stoke ayaa shabaqa ilaashatay seddex ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay City, laakiin waxaa laga dhaliyay 19 gool afar kulan oo kale, marka lagu daro toddoba kulan oo ka mid ah kulamada bisha October.

Citizens ayaa kaliya ku guuleysatay labo ka mid ah sagaal kulan oo Premier League ah oo ay booqdeen Bet365 Stadium.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Stoke City: Butland; Bauer, Shawcross, Zouma, Stafylidis; Cameron, Ndiaye; Shaqiri, Allen, Choupo-Moting; Crouch

Manchester City: Ederson; Walker, Kompany, Otamendi, Delph; De Bruyne, Gundogan, D.Silva; B.Silva, Aguero, Sane

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: