Sports

Barca oo weli guuldaro la’aan ah xilli ay Sevilla garaacday Real Madrid.

Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa xalay guul daro kala kulantay dhigeeda Sevilla kadib ciyaar xiiso badneyd oo dhexmartay labada kooxood.

Kabtan Sergio Ramos,ayaa gool iska dhaliyay,mid dhaliyay,gool ku laadna cunay,waxaana xalay uu Garoonka ku lahaa saameyn gaar ah maadaama shabaqa labada kooxood uu taabtay.

Ciyaarta waxaa ay ku soo dhamaatay 3-2 oo ay guusha ku raacday Sevilla,waxaa ay Real Madrid isu diyaarineysaa kulanka finalka Champions League ee ay Keiv kula ciyaari doonto kooxda liverpool ee dalka Ingiriiska.

Tababare Zinedine Zidane ayaa laga saaray ciyaarta waxaana ay xalay la kulmeen guul darradii 6aad ee ka soo gaarta Laliga xilli ciyaareedkan.

Safka u ciyaarayay Sevilla: Soria, Mercado, Pareja, Lenglet, Escudero, N’Zonzi, Pizarro, Layun, Vazquez, Muriel, Ben Yedder.

Safka u ciyaarayay Real Madrid: Casilla, Nacho, Vallejo, Ramos, Hernández, Kovacic, Casemiro, Ceballos, Lucas, Benzema, Asensio.

Dhinaca kale Kooxda kubada Cagta Barcelona ee dalka Spain ayaan dhinaceeda dhulka la dhigin kulankii 43-aad oo xiriir ah ee tartanka Laliga.

Xalay waxaa ay 5-1 ku dar dareen Kooxda VILLARREAL ee Laliga Dalka Spain ka ciyaarta waxaana goolashaas ukala dhaliyay Coutinho, Dempele oo labada dhaliyay, Messi iyo  Paulinho.

Barcelona ayaa waxaa ay dadaal ugu jirtaa in labada kulan ee uga dhiman horyaalka aan laga adkaan si ay uga mid noqoto kooxaha rikoorka caanka ah ka heysta ciyaaraha Europe.

Guushii xalay waxaa ay uga dhigneyd  in kulankii 43-aad aan laga badin sidaasna rikoorka ku ilaashatay wali iyada oo 180 daqiiqo ay uga dhiman tahay in xagaaga ay ku dhameystaan iyagoo aan laga adkaan.

Kooxda Villareal oo uu daal badan ka muuqday ayaa gool dhalisay waxse ugma tarin oo hore ayaa looga shaqeystay ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 5:1.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: