LocalNews

Abwaan Naciimo Qorane oo la xukumay

Hargeysa

Naciimo Qorane oo ah Gabar Abwaan ah ayaa xukun seddex sano ah lagu riday kadib markii ay kasoo muuqatay maxkamad ku taala magaalada Hargeysa, xarunta Somaliland.

Naciimo Qorane ayaa eedeymaha loo heystay waxaa kamid ah inay qeyb ka noqotay qarin dumis, kadib markii ay timid magaalada Muqdisho.

Naciima ayaa lagu  soo oogay laba dacwadood oo kala ah in ay dacaayado kadhan ah Hay’addaha Somaliland faafisay iyo sidoo kale inay kacdoon lidi ku ah qaran nimada ay dal shisheeye ka samaysay, sida uu sheegay garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil.

Abwaan Naciima Axmed Qorane ayaa muddo ku sugneyd Magaalada Muqdisho, waxaana markii ay dib ugu laabatay magaalada Hargeysa lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Waxa ay u ololeyn jirtay in ay Somaliland aysan ka go’in Soomaaliya inteeda kale, islamarkaana ay midoobaan Shanta Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: