Sports

17 jirada Soomaaliya oo helay Saddexda dhibic kulankii ay la ciyaareen Itoobiya.

Xiriirka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee SECAFA ayaa Soomaaliya u soo celiyay saddex dhibcood iyo saddex gool kaddib markii xulka Itoobiya lagu helay in ay ciyaarsiiyeen ciyaartooy ka weyn da’da loo baahnaa.

Tartanka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa ka socda Dalka Burundi waxaana ciyaaraya ciyaartooyda ay da’doodu ka hooseyso 17 jirrada.

Baaritaan uu xiriirka sameeyay ayuu ku ogaaday in Itoobiya ay Garoonka ugu jireen 3 ciyaaryahan oo ka weyn 17 jir,sidaas ayaana lagu baabi;iayy natiijadii ciyaarta.

Itoobiya ayaa Soomaaliya uga badisay 3-1,hayeeshee baaritaan kaddib natiijada ayaa hadda ah in Soomaaliya ay leedahay saddex dhibcood iyo Saddex Gool,waxaana Berri oo Talaado ah ay la ciyaari doonaan xulka marti geliyayaash ah ee Burundi.

Xiriirka SECAFA ayaa sidoo kale Dowladda Itoobiya ku ganaaxay lacag dhan $5000 oo doollarka Mareykanka ah,waxaana maanta oo Isniin ah lagu celinayaa Adis ababa saddexda ciyaaryahan ee ka qweyn da’da 17 jirrda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
%d bloggers like this: